Puntland oo dad u soo qab-qabatay weerarkii Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kadib howl-gal ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxa ay ku soo qab-qabteen tiro dad ah.

Howl-galka ayaa yimid, kadib markii xalay fiidkii hore weerar loo adeegsaday bam-gacmeed lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo baaritaano waday.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in weerarkaasi loo soo qabtay illaa saddex nin oo lagu tuhmayo falkaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu sugayo amniga magaaladaasi.

Weerarkii xalay ee Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalooyinka waa weyn ee Puntland ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jira weeraro iyo dilal qorsheysan intaba.