Wararkii ugu dambeeyay ciidan isku hor-fadhiya iyo xiisad ka jirta Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad adag oo cabsi gelisay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Ciidamo meletari ah ayaa lagu waramayaa inay la wareegeen xarunta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana arintaasi ay keentay xiisadda ka taagan degmada Baardheere.

Waxyaabaha keenay xiisadda ka taagan degmada ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana ciidamada la wareegay degmada ay amar qaataan gudoomiye ku xigeenka degmada Ismaaciil Sheeikh Axmed oo ka gadoodsan sida la sheegay isbedel lagu sameeyay maamulka.

Warar kale oo soo baxa ayaa sheegaya in ciidamo kale oo xaqiijin jiray amaanka degmada inay yihiin kuwa amaanka la wareegay, waxaana is horfadhiya ciidamada kala duwan ee qaarkood ka gadoodsan mushaaradkooda oo ka maqan.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid ka hadashay ciidamadaan gadoodsan ee la wareegay xarunta maamulka degmada Baardheere ee gobalka,waxaana warqad ka soobaxday maamulka Jubbaland xilkii looga qaaday masuuliyiintii hore u maamuleysay degmada kadib khilaaf muddoyinkii dambe jiray.

Dadka ku dhaqan agagaarka xarunta degmada iyo saldhiga degmada aya alagu waramayaa inay soo wajahday cabsi xoogan, iyaga oo ka baqaya in lagu dul dagaalamo.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com