Ciidamada PUNTLAND iyo Daacish oo ku dagaalamay Bari

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Puntland ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa sameeyay Ururka Onkod oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo fadhigoodu yahay degmada Ballidhidin ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka kadib uu meesha ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaa lagu sheegay warkan in Daacish la gaarsiiyay jab xoogan.

Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku gubtay gaadiid dagaal oo ay laheyd kooxda, inta uu dagaalka socday.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac loo geystay xubnaha kooxda Daacish ee ku sugnaa goobaha la weeraray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa dhulka buuraha ee gobolka Bari.

Ciidanka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ula dagaalamay kooxda Daacish oo fariisimo ku leh halkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Si kastaba, howlgalkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay gobolka Bari ku dagaalamayeen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan gobolkaasi.