Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Qoryooley ee gobolkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee kamid ah howl-galka ATMIS oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee degmada Qoryooley.

Dhawaaqa rasaasta ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga maqlayay guud ahaan degmada, ayada oo dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khaasaraha ka dhashay madaafiicda ay tuurayeen ciidamada Uganda iyo guud ahaan dagaalka ka dhacay degmada Qoryooley, hase yeeshe waxa lasoo warinaya in uu jiro khasaare kooban.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaaladda degmada Qoryooley ay xiligaan tahay mid degan, ayna si caadi ah u shaqeeynayaan isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Weerarada noocaan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca deegaanada ay gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa howl-galka ATMIS. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ATMIS oo la xiriira weerarkaan.