Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo saaka ka bilowday duleedka magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo u dhaxeyay ciidamada Galmudug iyo Puntland.
Dagaalka oo saaka ka bilowday magaalada Duleedkeeda ayaa waxaa la isku adeegsaday madaafiic iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalada ay dhaawacayaan hishiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Dubai.
Inkastoo xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo yara degen tahay, haddana mararka qaar waxaa xaafadaha kusoo dhacaya madaafiic culus oo labada dhinac ridayaan.
Qiyaastii meel 8 km u jirta magaalada ayaa hadda waxaa ka socdo dagaalka xoogan, waxaana moodaa in magaalada xoogaa xiisada dagaalka ka yara qabowsan tahay.
Ilaha Caafimaadka gobolka Mudug ayaa sheegaya in ku dhawaad 15 qof oo dhaawaca lasoo gaarsiiyay isbitaalada Koonfurta iyo sidoo kale Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ay dagaalka ay ku dhinteen ku dhawaad 4 ruux oo ah labada dhinac ee ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo.
La soco waxii kusoo korshaa insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]