28.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Galmudug oo Madaafiic ku gubtay xaafado ay Gaalkacyo ka maamusho Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa xoogeystay Dagaalka qaraaran ee ka socda duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Hubka ugu culus ee leysu adeegsanaayo ayaa waxaa ridaaya Ciidamada Galmudug, waxaana goordhow nasoo gaaray in Hubkaasi culus uu ku habsaday mid kamid ah xaafadaha ku yaalla dhanka ay maamusho Puntland.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in ciidamada Galmudug ay si bareera u dileen ilaa seddex ruux oo kasoo jeeda hal qoys kuwaasi oo la sheegay inay qax ka ahaayen Dagaalka socda.

Seddexda ruux ay dileen ciidamada Galmudug, ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland waxaana laga cabsi qabaa in dilkaasi uu sii xoojiyo Dagaalka socda.

Dagaalka ayaa ku faafay deegaano dhowr ah waxaana goobaha Caafimaadka buux dhaafiyay dhaawacyo iyo meydad farabadan.

Dhaawacyada ayaa kor u dhaafayo 11, halka dhimashaduna ay mareyso 8 ruux oo u badan shacab.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana wali la maqlayaa rasaasta noocyadeeda kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News