Wararkii ugu dambeeyay dhaarinta xildhibaanada iyo Rooble oo laba tallaabo qaaday maanta + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay doorashada Golaha Shacabka oo heer gebo-gebo ah mareysa iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishaan April.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore ugu adkeystay in sidiisa loo dhaqan-geliyo jadwalka dhaarinta xildhibaanada oo uu hore u soo saaray guddiga FEIT, kaasi oo fulistiisu inaga xigto afar maalmood.

Sidoo kale waxa uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble la kulmay guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS, kuwaasi oo kula hadlay qaban-qaabada iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada.

Kulamadaan ayaa kusoo aadaya xili uu maanta Guddiga doorashooyinka dalka heer federaal uu shaaca ka qaaday in xildhibaannada qaatay shahaadada ay gaareen illlaa 200 oo xildhibaan oo isugu jiro labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo guddiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay dardar ku socoto shahaado siinta xildhibaanada cusub, isla-markaana ay dhowdahay munaasabadda dhaarinta.

“Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan isku darka labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadweynoow doorashaa loo dareeray,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga FEIT.

Tirada guud ee xildhibaanada ayaa marka la isku geeyey labada Aqalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxay dhaafeen kooramka ay xildhibaanada ku shiri karaan kuna dooran karaan guddoomiyeyaal iyo madaxweynaha.