Cabdullahi Maxamed Nuur oo shaaciyey qorshe socda, kuna maray wacad in Madeira…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu ka shaqeenayo qorshe uu rabo inuu muddo kordhin kusii sameysato si uu usii fadhiyo Villa Somalia.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ujeedka uu madaxweyne Farmaajo u difaacayo danjire Francisco Madeira ku sheegay sidii uu isaga hor keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo uu wado qorshooyin halis ku ah dalka, balse faahfaahin kama bixin qorshooyinkaas oo uu ku sheegay kuwa khatar ah.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday sidiisaba waa nin aaminsan in uu dhex fadhiyo Villa Somalia, waa nin jeclaan lahaa haddii uusan sii joogi karin inuu dalka u gacangeliyo Al-Shabaab, waxa uu ka shaqeynayaan sidii uu isaga hor keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka Nabad ilaalinta dalka u jooga,” ayuu yiri Wasiirka Amniga

Wasiirka Amniga ayaa si cad u sheegay in aysan dhici doonin in Dajire Madeira uu dalka kasii shaqeeyo iyada oo la iska indha-tirayo go’aankii kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Madeira oo ah qofka la garanayo ayaa dalka dib ugu soo laabanayo kana sii ahaanayo danjire wax dhacaayo ma aha, iyaguna way garan karaan, waana arki doontaan haddii aysan noqon saacadaha soo socda in maalmaha soo socda sheekadaas way iska dhammaaneysaa,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Cabdullaahi ayaa arrinta khatartaan looga fakan karo ku sheegay inay tahay in la dhaariyo xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad.

“Dalka Soomaaliya haddii ay suurtogasho oo xildhibaannada la doortay ay dhaartaan waxa aan aaminsanahay in 90% lagu guuleystay kala guurka, haddii ay dhici wayso maalinta loo asteeyay oo ah 14-ka bishan waxa aan aaminsanahay in aan ku jirno khatar weyn balse waxa aan ku rajo weynahay in aysan dhicin si dabinada looga hortago, dadkaan aan waxba ka duwaneen ismiidaamiyaasha suunka isku soo xira waxa aan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa in wadajir aan uga hortagnaa,” Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ugu dambeyntii wasiirka oo wax laga waydiiyey bandowga ay ATMIS saartay Xalane iyo qeybo ka mid ah garoonka 12-ka illaa 16-ka April, ayaa ku sheegay inay tahay wax caadi ah oo la xiriirta dhanka amniga, wuxuuna carabka ku dhuftay inuusa jirin khilaaf ka dhaxeeyo ATMIS iyo xukuumadda.

Doodda ka dhalatay ka eryidda Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa meel xasaasi ah gaartay, Villa Somalia ayaa si cad u difaacday danjiraha dalka laga eryay halka xukuumadda federaalka amar ku bixisay in loo diido dal ku galka maadaaama uu maqan yahay.

Midowga Afrika oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inay raacayaan warka kasoo baxay madaxweyne Farmaajo, wuxuuna midowga ku adkeystay in Madeira uu shaqadiisa sii wadan doono.