Wararkii ugu dambeeyay dhulgariirka ku dhuftay JABUUTI

Jabuuti (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in guud ahaan dalka Jabuuti, caasimada iyo gobolada kaleba laga dareemay dhul-gariir dhexdhexaad ah oo cabbirkiisu yahay 5.2 magnitude.

Dhul-gariirkan ayaa dhacay saaka aroorti hore saacadu markay ahayd 4:22 xiliga Geeska Afrika.

Wararka hor-dhaca ah ayaa shegaya in dhul-garirkan oo heerkisu ahaa 5.2 aysan jirin dhismayaal ku bur-buray iyo wax dhimasho ama dhaawac ah uu geystay sida ay xaqijiyen hay’adaha cilmi barista dalka Djibouti CERD.

War ka soo baxay wasaaradda waxbaarashada ee dalka Jabuuti ayaa lagu shegay in ardayda dhamaan laga fasaaxay dhugsiyada waxbarashada.

Sida laga soo xigtay bogga internet-ka ee hikersbay.com markii ugu dambeysay ee Jabuuti uu dhul gariir ku dhufto waxay ahayd 15 sano ka hor maalin Talaado ah, bishuna ay tahay Abriil 29, 2008 abaare 3:07 aroornimo. Dhul gariirkan ayaa cabirkiisa lagu qiyaasay 5 magnitude.

Dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ka dhacay aagga Jabuuti ayaawaxaa  cabirkiisa lagu sheegay 6.2.

Sidoo kale Dhulgariirkii ugu dambeeyay ayaa laga diiwaan geliyay dalka Jabuuti saaka aroorti.

BBC.