Wararkii ugu dambeeyay doorashada golaha shacabka ee lagu qabanayo Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa qorshuhu yaahy in 5-ta iyo 6-da bishaan Maarso lagu qabto magaaladaas.

Guddiga SEIT ee Puntland ayaa goor sii horeysay shaaciyay duubabka dhaqaka iyo wakiilada bulshada rayidka ee soo xulaya Ergada dooraneysa 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Boosaaso.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in Odayaashaan iyo xubnaha metalaya Bulshada Rayidka ay iska kaashanayaan soo gudbinta Ergada beelaha leh kuraasta doorashadooda lagu qabanayo Boosaaso.

16-ka Kursi ayaa kala ah; HOP#220, HOP#169, HOP#076, HOP#149, HOP#157, HOP#142, HOP#227, HOP#190, HOP#228, HOP#234, HOP#273, HOP#083, HOP#222, HOP#036, HOP#027 iyo HOP#158.

Waxaa magaalada Boosaaso ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada kuraastaas, ayada oo maanta ay halkaas kormeer ku tageen xubno ka tirsan Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer Federaal ee FEIT.

Xubnaha ka socday guddiga FEIT oo uu horkacayay Afhayeen Axmed Safiina ayaa warbixin la xiriirta goobta doorashada loo qorsheeyay ka dhageystay Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Puntland.

Goobta lagu qabanayo doorashada ayaa ah Teendho ku taalla garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana ammaankeeda lagu wareejiyay Ciidan gaar ah oo Booliis ah, kuwaas oo loo tababaray ilaalinta nabad-galyada maalmaha doorashada iyo howlaha hoostaga.

Si kastaba, Guddiga SEIT ee Puntland ayaa maanta qaban doona araajida iyo Diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya kuraastaas, ayada oo shahaadooyinka la siin doono musharaxiinta soo buuxiyay shuruudaha maalin ka hor bilowga doorashada.