25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee dhaarinta xildhibaanada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray xog-hayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxay Maxamed Xuseen Rooble, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac uga wada-hadleen diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Sidoo kale dhinacyada ayaa kulanka ku kala qaatay warbixiin ku saabsan diyaar-garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal, xili ay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ay mareyso heer gebo-gebo ah.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, kadibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebo-gebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.

Jadwalka Guddiga FEIT ee dhaarinta xildhibaanada ayaa waxaa hore si adag uga horyimid maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taasi oo uu ka dambeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, hase yeeshe waxaa cad in uu fashilmay qorshaha lagu burinayo jadwalkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News