Macallimad iyo arday qoorta ka gooyey macallimad kale ‘oo lagu riyooday ayadoo Nebiga NNKH aflgaadeyneysa’

Islamabad (Caasimada Online) – Gabar macallin ka aheyd iskuul diimeed u gaar ah gabdhaha ayaa waxaa dilay ardaydeeda iyo macallimad kale oo ku eedeeyey inay aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH, waxaa sidaas maanta sheegay booliska dalka Pakistan. 

Aflagaadada ka dhanka ah diinta ama Nebiga NNKH waa arrin xasaasi ah ka ah dalka Pakistan, islamarkaana xitaa hal erey oo loo arko sidaas ayaa horseedi kara rabshado waa weyn iyo dilal.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa Talaadadii shalay ka dhacday magaalada Dera Ismail Khan ee gobolka diinta aadka ugu adag ee Khyber Pakhtunkhwa, oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaas, kuna teedsan xuduudda Afghanistan. 

Booliska ayaa sheegay in laba gabar oo arday ah iyo macallimad kale ay weerareen Safoora Bibi oo ku sugneyd albaabka laga galo iskuulka, ayaga oo sita mindiyo iyo walxo kale. 

“Waxay geeriyootay markii qoorta laga gooyey,” waxaa sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay sarkaal boolis oo lagu magacaabo Saghir Ahmed. 

Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha ugu weyn dambigan ay tahay macallimad dhigta iskuulka falkan uu ku dhacay ee Jamia Islamia Falahul Binaat, ayada oo kaa sheekaneysa laba ka mid ah ardayda oo ay qaraabo yihiin.

Labada gabdhood ayaa booliska u sheegay in macallimada ay ku riyootay haweeneyda la dilay “oo gaysaneysa aflagaado ka dhan ah” Nebi Muxamed NNKH.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay hadda baarayaan haddii haweeneyda eedeysan oo lagu magacaabo Umra Aman ay ciil shaqsi oo gaar ah u qabtay Safoora Bibi

Azeem Khan, oo ah sarkaal kale oo boolis, ayaa xaqiijiya faah-faahintan. 

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in sharciga Pakistan ee ka dhanka ah aflagaadada diinta inta badan loo adeegsado in looga faa’iideysto muranada shaqsi.

Sanadkii tegay, nin u dhashay dalka Sri Lanka oo maamule ka ahaa warshad ku taalla Pakistan ayaa la garaacay illaa uu ka dhinto kadibna la gubay, kadib markii lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey diinta.

Xarunta Cadaaladda Bulshada — oo ah koox madax banaan oo u ololeysa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Pakistan — ayaa sheegtay in sanadkii tegay ugu yaraan 84 qof lagu eedeeyey inay aflagaadeeyeen diinta, kuwaas oo saddex ka mid ah la dilay.