Wararkii ugu dambeeyay ee doodda xasaasiga ah ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalintii labaad ka doodaya arrimo ku aadan siyaasadda iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Kulankan oo uu ajendihiisu yahay arrimaha siyaasadda iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka ayaa waxaa guddoominayo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dooddan ay sii wadi doonaan, taas oo sidoo kale taabaneysa wax ka beddelka dasuurka KMG ka ah ee dalka.

“Ajendaheenna waa dhammeystirka doodii noo socotay ee arrimaha siyaasadda iyo go’aannada masiiriga ah, daqiiqadahana waa kuwii aan ku heshiinay soo dhowaada liiska darraad meesha ha’inooga sii socdo” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa guda galay doodooda, kuwaas oo ku kala aragti duwan qodobada laga wada-hadlayo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa kulanka ka sheegay in markii hore la fahmi waayay ajendaha, balse haatan uu kusoo biyo shubtay dhammeystirka dalka.

“Ajendaha horta maalintii dhoweyd waxaa loo bixiyay ifahamsii qofba qof ayuu weydiiyay maxaa ka fahamtay maxaa ka tiri laakiin hadda wuxuu ku biyo shubtay oo uu aaday habkii dastuurka oo nagu soo aadan inaynu dhammeystirno” ayuu yiri xildhibaan Nuux Dheere.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac ayaa sheegay in dhammeystirka dastuurka ay ku xayiran yihiin xaquuqaad fara badan, sida maqaamka magaalada Muqdisho.

“Dastuurka waxaa ku xiran xuquuq fara badan, gobolka Banaadir oo ay ku nooshahay in ka badan dowlad goboleedyada oo dhan xuquuqdiisa waxa ay ku xayiran tahay dastuurkan, ayuu isna dooddiisa ku yiri Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.