Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka baarlamaanka iyo guuxa mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta daah-furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay fasax ku maqnaayeen labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Khudbad xasaasi ah ayaa madaxweynuhu ka jeedin doona xarunta Baarlamaanka, isaga oo ka hadli doona arrimaha siyaasadda, amniga, doorashooyinka, dagaalka Al-Shabaab, iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka Baarlamaanka ayaa haatan ka socota xarunta Villa Hargeysa, waxaana kusii qulqulaya xildhibaannada labada gole.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Xasan Nuux, oo ka hadlay furitaanka kulamadooda, ayaa sheegay in kalfadhigan uu ka duwanaan doono kuwii hore, isla markaana lagu dhammeystiri doono wax-ka-beddelka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan fileynaa in kalfadhigan 6-aad uu noqdo mid ka duwan kuwii hore, waxaana lagu dhammeystirayaa qaybaha kale ee habraaca Dastuurka.” ayuu yiri Habdhowraha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray inay jiraan xeerar kale oo muhiim ah oo kasoo gudbay xukuumadda, kuwaas oo ay go’aan ka gaari doonaan xubnaha Baarlamaanka.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay wararka sheegaya inuu socdo qorshaha mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha, oo la sheegay inay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Habdhowraha ayaa xaqiijiyay in illaa hadda aanu golaha soo gaarin wax mooshin ah oo xilka-qaadis ah, wararkaasina ay yihiin kuwa ku kooban warbaahinta oo kaliya.

“Mooshin soo gaaray guddoonka ma jiro, laakiin waa wax ka socda warbaahinta. Xildhibaan walba mar kasta xaq ayuu u leeyahay inuu mooshin keeno, laakiin illaa iyo hadda wax aan ka warheyno ma jiro.” ayuu yiri Habdhowraha.

Furitaanka Baarlamaanka ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay doorashooyinka dalka, oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda maamul-goboleedyada, iyo xubnaha mucaaradka.