Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii is-miidaminta ahaa ee caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo galabtii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani.

Qaraxa oo uu fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, ayaa waxaa ku dhimatay ilaa shan ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay, sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, wuxuuna kusoo aaday qaraxu xili uu mashquul badan ka jiray isgoyska Jubba oo ay ku taalay maqaayada la qarxiyey.

Laamaha amaanka ayaa wada baaris ku aadan qaraxa ka dhacay maqaayadaas, taasi oo uu fuliyey qof naftii halige ah, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wanaagsan, hase yeeshee waxaa si weyn usoo batay qaraxyada ay geysanayaan dad isku soo xira jaakadaha qaraxyada laga sameeyo.

Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa inta badan waxaa fulisa kooxda Al-Shabaab, ilaa haddana majiro war kasoo baxay oo ay ku sheeganeyso mas’uuliyada qaraxaas.