DF oo dheereysay muddada ruqsad bixinta shidaalka xilli ay dib u gurteen shirkadaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa waqti dheeri ah ku dartay xilliga kama dambeysay ah ee shirkadaha caalamiga ah kusoo dalban karaan ruqsadda sahminta shidaalka la rumeysan yahay inuu ku jiro xeebaha Soomaaliya.

Hay’adda Batroolka ayaa bishii August 2020 si rasmi ah u daah-furtay wareegga koowaad ee bixinta ruqsadaha, waxaana kadib bishii March la dheereeyey waqtiga ay ku ekeyd, ayada oo lasoo gaarsiiyey 30-ka bishii hadda dhamaatay ee June.

Si kastaba, Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay 29-kii June oo ay heshay Caasimada Online, waxay ku sheegtay in kadib codsiyo ka yimid maal-gashtayaasha iyo shirkadaha shidaalka ee caalamiga ah ay hadda ka shaqeyneyso inay mar kale waqti ku darto xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay inay shirkadaha kusoo gudbistaan codsiyadooda. 

Wasaaradda Batroolka iyo Hay’adda Batroolka ayaa sheegay inay muddo 14 maalmood gudahood ah ku shaacin doonaan waqtiga cusub ee lagu kordhiyey xilliga kama dambeysta ah.

Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa rumeysan in kadib qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, kaasi oo ka dhashay muddo kororsigii fashilmay ee uu sameeyey madaxweyne Farmaajo, ay inta badan shirkadaha caalamiga ah dib u dhigeen inay soo dalbadaan ruqsadda.

Waxaa sidoo kale jirta in Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ay uga digeen shirkadaha inay heshiis la galaan dowlad muddo xileedkeeda sharciga ah uu dhammaaday, haddii ay sidaas sameeyaanna aan la aqoonsan doonin heshiis kasta oo galaan marka ay dalka dowlad cusub ka dhalato.

Arrimhan oo dhan ayaa cabsi geliyey shirkadaha shisheeye, taasi oo sababtay inay dib u dhigtaan dalabyadooda.

Afartii bishii janaayo 2021, waxaa dib u dhac uu ku yimid munaasabadd lagu saxiixi lahaa bixinta ruqsadda shidaalka Soomaaliya, taasi oo ka dhici laheyd madaxtooyada Soomaaliya. Munaasabaddaas ayaa waxa lagu saxiixi lahaa bixinta xirmooyin shidaal (Blocks) oo ku kala yaalla Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Waxa lagu waday inuu Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed uu heshiiskan u saxiixo labo shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

Baaqashadaas ayaa waxaa sababay cadaadis caalami ah oo la saaray dowladda oo ahaa inay dib u dhigto, sida ay ogaatay Caasimada Online, hase yeeshee dowladda federaalka ayaa u yeeshay sabab kale. 

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed oo xiligaas hadlay ayaa sheegay in heshiiskaas uu u baaqday arrimo farsamo.

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Hay’adda Batroolka ee dheereynta waqtiga kama dambeysta ah.