DF oo dib u dhigtay saxiixa xirmooyinka shidaalka dalka kadib arrimo soo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u dhac ku yimid munaasabaddii lagu saxiixi lahaa qodista shidaalka Soomaaliya, taasi oo ka dhici laheyd madaxtooyada Soomaaliya, sida ay maanta xog ku heshay Caasimada Online.

Munaasibaddan ayaa waxa lagu saxiixi lahaa xirmooyin shidaalka (Blocks), kuwaas oo ku kala yaala Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed. 

Waxa lagu waday inuu Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed uu heshiiskan u saxiixo labo shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

Shirkada Coastline ayaa waxaa hadda madax ka ah Cabdullaahi Shiikhey oo ah nin ku xeeldheer arrimaha qandaraasyada shidaalka, islamarkaana ah ninka haya malafka shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa goobjoog ka noqon lahaa Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed, hase yeeshe waxay xiligii loo balansanaa ee maanta dib uga dhacday sababo lagu sheegay culeyso dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas.

Waxa lagu wadaa in munaasibada lagu saxiixayo xirmooyinkaasi shidaal ay u dhacday maalinta berri ah, kadib markii xalinta caqabadaha ku gadaaman loo saaray Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beyle. 

Arrinta u weyn ee saxiixa maanta dib u dhigtay ayaa la xiriirta qaabka loo waafajinayo heshiiskan arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray 

Sidoo kale dib u dhacan ayaa imanaya xili ay musharaxiinta mucaaridka ka digeen qatarta ka dhalan karta saxiixa xirmooyinka shidaalka, isla markaana uu gabaabsi yahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.