Puntland oo is-hortaagtay qorshihii Sheekh Rusheeye ee magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Sheekh ku caan baxay inuu dad u badan haween isku soo aruuriyo, qur’aan ku saaro, biyana ku rusheeyo ayaa la amray in shaqada laga joojiyo isagoo ku sugan magaalada Galkacyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland (Cabdiladiif Muuse Nuur) ayaa bixiyay amar lagu joojinayo hawlaha uu magaalada Galkacyo u yimid Sheekh Rusheeye oo gayiga Soomaalida aad caan uga ah.

Amarka uu gudoomiyaha bixiyay waxaa raacsan in shaqada laga joojiyo ilaa inta la isaga imaanayo lana baarayo arinta.

Shalayto ayey aheyd markii Sheekh Cabdulxaaq Rusheeye uu soo galay magaalada Galkacyo dhinaca Puntland waliba isagoo ay la socdeen kolonyo baabuur ah ay ku jiraan booyado la sheegay iney ku jiraan tahliil dadka lagu qur’aan saaro.