Safiirkii UK ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday xilli uu ku milmay muranka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maanta ku dhawaaqday inay Soomaaliya usoo magacowday Safiir cusub, kaasi oo bedeli doona Safiirkeedii hore ee dalka, Amb. Ben Fender.

UK ayaa waxay dalka Soomaaliya usoo magacowday haweenay lagu magacaabo Kate Foster, taasi oo si rasmi uga howl-geli doonta Soomaaliya.

War kasoo baxay dowladda UK ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in horaanta bisha labaad ee sanadkan cusub Ambassador Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo muhiim ah.

Ambassador Ben Fender ayaa muddo ku dhow labo sanno ku magacownaa safiirka UK ee Soomaaliya, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo badan ka fuliyay tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 30-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2019-ka.

Dowladda Ingiriiska marnaba ma shaacin mansabka loogu bedeli doono Ben Fender midka Soomaaliya, balse waxay kusoo koobtay inay u wareejin doonto xil kale oo diblumaasiyadeed.

UK ayaa kamid ah dalalka beesha caalamka ah ee sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya inaysan la dhicin shaqada Ben Fender ee Soomaaliya.

Ben Fender ayaa toddobaadyadii tegay aad ugu dhex-milmay siyaasadda Soomaaliya, isaga oo taageero u muujiyey guddiga doorashada Soomaaliya ee lagu muransan yahay, taasi oo dowladdiisa aysan la dhicin.

Fender ayaa la arkayey isaga oo kulamo badan iyo tababaro kala qeyb qaadanaya guddigan, taasi oo kasoo horjeeda siyaasadda dhex-dhexaadnimo ee dowladdiisa ee dhinacyada isku haya Soomaaliya.