Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku riday askari dil ka geystay Beled-Xaawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysay dacwadda Cumar Aadan Xuseen oo loo heysto dilka Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow oo 5-tii bishii May sanadkii hore ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobalka Gedo.

Cumar Aadan  ayaa lagu eedeeyey in xilli ay taagneed kala aragti duwanaasho soo kala dhex gashay ciidamo ka kala tirsan booliska iyo militeriga Soomaaliya ee ku sugan Beled-Xaawo uu xabad ku dhuftay Marxuum Abuukar Saalax oo ahaa wade mooto Bajaaj. Sida ay xeer ilaalintu ka hor sheegtay maxkamadda.

“Maragyada Maxkamadda joogay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in ay jirtay dhacda ay isaga soo horjeedeen Ciidan Boliis ah iyo Kuwa ka tirsan xoogga Dalka laakiin aan xabad la isku furin. Balse Cumar uu Marxuumka ku amray in uusan ka Fogaanin Qalalaasha dhici karay oo uu sababay is hortaagga Ciidamada u dhexeeyay markii uu isku dayayne in uu Meesha ka Cararo uu Cumar Marxuumka ku amaray in uusan dhaqaaqi karin, kadib dhaqaaqa Marxuumka ayuu xabad ku dhuftay taasi oo sababtay in uu u geeriyoodo Marxuumka,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday Maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in Cumar uu gabaad ka dhigtay ‘nin miskiin ah oo ku xamaalan jiray Moota Bajaaj’ sidoo kalena uu carqaladeeyey xaalada ammaan ee goobta, isagoo maxkamadda ka dalbaday in la marsiiyo ciqaab adag.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in dil toogasha ah lagu xukumo Cumar Aadan Xuseen, taas oo ah khisaasta Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sidoo kale sheegay in xukunsane Cumar Aadan Xuseen  uu haysto fursad uu ku dalban karo racfaan muddo ku siman 30-cisho.