Daawo: Ganacsato maamulkii la kala diray ku eedeysay inay lunsadeen malaayiin dollar

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaaf adag oo soo kala dhex galay rugta ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo soo shaac baxay markii ay wasaaradda ganacsigu kala dirtay maamulkii hore ee rugta, isla markaana magacaawday guddi doorasho ku qabta 60-cisho gudahood ah.

Qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Muqdisho ayaa maanta isugu yimid kulan ay ku taageereen go’aankii ay wasaaraddu ku kala dirtay maamulkii hore ee rugta ganacsatada, iyagoo ku eedeeyey musuq maasuq culus.

Ganacsatadan oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa lacag dhan $16 milyan (Lix iyo toban milyan oo dollar) ku eedeeyey inay lunsadeen xubnihii maamulka u ahaa rugta ganacsatada ee la kala diray.

Lagactaas waxay sheegeen inay ugu tala galeen dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho, balse aan hadda meel lagu sheegin, waxayna guddiga cusub ka dalbadeen inay qabtaan doorasho deg deg ah, si la isula xisaabtamo.

Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif oo ka mid ahaa xubnihii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xubnaha cusub ee loo soo magacaabay inay 60-ka cisho ee soo socota doorasho guud qabtaan.

Sidoo kale guddoomiye Xasan Mire ayaa sheegay in 12-kii sano ee lasoo dhaafay aysan rugta ganacsada Soomaaliyeed laheyn maamul fadhiya, sida uu hadalka u dhigay.

“12-kii sano ee u dambeysay metelaad sax ah ma laheyn ganacsatadu, dadkuna waa ka niyad jabeen rugta ganacsiga, maalin kasta nin ganacsade ah siduu uga baxaayey, waxaa ku soo haray ragga ay wasaaraddu kala dirtay, waxaana meesha ka baxay nidaamkii iyo kala dambeyntii rugta” ayuu yiri Xasan Mire.

Sidoo kale Xasan Mire ayaa sheegay in guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka Tahliil Shaatax uu ku qaldanaa markii uu yiri ‘rugta ganacsigu waxay ka mid tahay ururrada bulshada rayidka’.

Hoos ka Daawo