Sacuudiga oo xayiraaddii saarneyd ka qaaday Qatar

Doha (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyey in guulo waaweyn laga gaaray wadahadalladii uu Mareykanku gadaal ka riixayey ee mudooyinkii dambe u socday dowladaha Qatar iyo Sacuudiga oo ku kala tegay khilaafkii adkaa ee ka dhex qarxay wadamada Khaliijka.

Bishii July ee sanadkii 2017-kii afar dal oo Sacuudigu u horeeyey ayaa go’doomin dhan walba ah ku soo rogay dalka Qatar, balse arrintaas waxaa la shaaciyey in heshiis hor dhac ah laga gaaray, isla markaana berri lagu kala saxiixa doono dalka Sucuudiga.

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa laga soo xigtay in Talaadada berri ah heshiis rasmi ah oo colaadaasi lagu soo afmeerayo lagu kala saxiixa doono dalka Sacuudiga.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, sarkaalkan oo aan magiciisa la sheegin ayaa si rasmi ah u sheegay in khilaafkaas hadda xal laga gaaray, wax walbana ay ku soo laaban doonaan sidii ay ahaayeen sanado ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Kuweyt Axmed Naasir Al-Sabaax ayaa dhinaciisa xaqiijiyay in heshiis rasmi ah laga gaaray go’doomintii mudada sanadaha ah lagu hayey dalka Qatar, kaas oo madal wayn lagu saxiixi doono saacadaha soo socda.

Dawladaha Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed, mid ganacsi iyo safarba ku soo rogay dalka Qatar bishii July ee sanadkii 2017-kii.

Xilligaas waxay ku eedeynayeen dowladda Qatar inay taageerto argagixisada, balse Qatar ayaa iska diiday eedahaas, waxayna sheegtay in xayiraadahaas lagu cuuryaaminaayo dhaqaalaheeda iyo madax-banaanideeda.

Markii go’doonka la geliyey Qatar waxay garab istaag ka heshay dowladda Turkiga oo aad uga hortimid daan-daansiga ay ku hayeen dalaalka kale ee Khaliijka, waxayna dalkaas yare e hodanka ah geysay ciidamo ka difaaca saaxiibadiisii hore ee Khaliijka.

Sidoo kale dowladaha sida weyn u garab istaagay Qatar waxaa ka mid ahaa Iraan oo ay siyaasad ahaan arrimaha Bariga Dhexe isku aragti ka yihiin Turkiga.

Tan iyo waqtigaas diyaaradaha Qatar ma istcimaalaynin hawada wadamada go’doomiyey, sidoo kalena xuduudaha dhinyada dhulka iyo badda ay la wadaagto la isagama gudbi karin.

Hogaamiyaasha wadamadan carbeed ee Khaliijka ayaa lafilayaa inay Talaadada berri ah ku shiraan Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka dhici doono shir sanadle ah, kaas oo la filayo in lagu shaaciyo heshiis lagu soo afjarayo khilaafka Qatar iyo Sacuudiga.