Xiisada ka dhalatay wiil Soomaali ah oo lagu toogtay Minneapolis oo kasii dartay

Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnessota ayaa waxa ka billowday banaan-baxyo xoogan, kaasi oo looga soo horjeedo wiil Soomaali ah oo dhawaan booliska ay magaaladaas ku toogteen.

Dadka banaan-baxa dhigayay oo u badnaa Soomaali ayaa waxa ku wehlinayay dad kale, kuwaasi oo muujinayay sida ay uga xun yihiin toogashada loo geystay wiilka Soomaaliga ah, isla markaana cadaalada la marsiiyo booliska fuliyay toogashadaas.

Waxay cod dheer ku dalbanayeen dadkii isugu soo baxay waddooyinka Minneapolis in si deg deg ah cadaalada u helaan qoyska Doolaal Ciid, sidoo kalena aysan dib usoo laaban fal noocaas oo kale.

Dadweynaha oo wajiyadooda laga dheehan karayey qaabka ay uga xun yihiin toogashada wiilka Soomaaliga ah ayaa balan-qaaday inaysan wadooyinka ka tageyn ilaa inta wax laga qabto dilkaas, isla markaana ay sii wadayaan banaan-baxaas.

Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa saameynta uu reebay aad looga dareemay magaalada Minneapolis, waxaana dadweynuhu maalintii saddexaad ay dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan dilkaas.

Doolaal B. Ciid, oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo.

Goobtaas ayaa wax ka yar hal meyl u jirta meeshii ay booliska Minneapolis bishii May ku dileen George Floyd, oo ahaa nin madow ah.

Dad goob joogeyaal ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.