Somaliland oo kumanaan dollar ku bixisay qorshe ay ka waddo baraha bulshada

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa sanadkii dhamaaday ee 2020-kii ku bixisay baraha bulshada lacag dhan 70-kun oo dollar-ka Mareykanka, kaasi oo lagu fulinayo ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha bulshada’, sida uu shaaciyay wargeyska Somaliland Chronicle.

Warbixinta ay daabacday waraabinta Somaliland Chronicle ayaa lagu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay sanadkii tagay dad gaar ah ku naas-nuujisay difaacida baraha bulshada, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay aamusinta qaar kamid ah warbaahinta gudaha.

“Sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland waxay lacag gaareysa 70,000 dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale waxay shaacisay in lacagtaas qeybteeda u badan la siiyey warbaahino internet, si aan loo daabicin wax lidi ku ah Somaliland, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad faro ku tiris ah oo baraha bulshada ka difaaca xukuumadda.

“Arrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada,” ayaa ugu dambeyntii lagu yiri warbixinta Somaliland Chronicle oo soo xiganeysa ilo-wareedyo muhiim ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa sanadihii dambe ku howlaneyd sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd warbaahinta madax-banaan, kuwaasi oo ay u adeegsaneyso danaheeda gaarka ah iyo qadiyada ay ku doodo ee madax-banaanida.