Is-barbar dhig: Yaa shaqo iyo tayo badnaa baarlamanka 10-aad iyo midkii 9-aad?!

Baarlamaanka 10-aad oo labo aqal ah, waxaa uu sameysmay iyada oo baarlamaanka federaalka ah 9-aad oo hal aqal ahaa uu qabtay shaqooyin badan, rajo weyn ayaa laga qabay iney dhameystiraan arrimo ay ku jiraan dastuurka, garsoorka, diiwaangelinta dadweynaha, jinsiyadaha iyo qaar kale, laakin nasiib darro hawlahaasi lama qaban.

Haddaba, Goobjoog News waxaa isbardhig ay ku sameysay shaqadii labada baarlamaan ay ku ogaatay in baarlamaankii 9-aad uu ka shaqo iyo tayo badnaa baarlamaanka 10-aad.

Haddaba, halkan hoose ka akhriso isbarbardhig la xiriira labada baarlamaan ee dhanka ansixinta sharciyada, qaraarrada, heshiisyada caalamiga ah, miisaaniyadaha, la xisaabtanka xukuumadda, matalaadda iyo arrimo kale.

Baarlamaanka 10-aad:

Sida aan sheegnay  baarlamaanka 10-aad waxaa uu ka koobanyahay labo aqal(golaha shacabka iyo aqalka sare), xubnihiisana waa ay ka badnaayeen baarlamaankii 9-aad oo ahaa hal aqal iyo 275 xildhibaan halka 10-aad lagu daray aqalka sare oo 54 Senator ah.

Haddaba, si la mid ah madaxweynaha 2017-kii la doortay ee Farmaajo, baarlamaanka 10-aad waxaa laga filayey waxqabad adag gaar ahaan:

  • Dhameystirka dib u eegista Dastuurka.
  • Dhameystirka Shuruucda Federaalka ah.
  • Matalaadda Dadweynaha.

Arrimaha horyaalay waxaa ugu muhiimsanaa oo kale: Sharciga doorashada, sameynta maxkamad dastuuri ah, diiwaangelinta dadweynaha, jinsiyadaha iyo wixii la mid ah, laakin arrimahaas marka laga reebo midka doorashada inta kale lama qaban, taa badalkeeda waxaa la ceyriyey guddoomiyihii golaha shacabka, waxaa meesha ka baxday wada shaqeyntii labada aqal, baarlamaankii waxaa la wareegay xukuumadda federaalka ah, oo awooddii wiiqday taasi oo meesha ka saartay la xisaabtankii iyo xisaab xirradii laga rabay.

Halkii baarlamaanka 9-aad uu xoogga saaray dhismaha sharciga la xiriira dhismaha hey’adaha federaalka ah, kuwa guddiyada kala duwan ee dastuuriga ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee tiirarka dowladnimada, baarlamaanka 10-aad waxaa uu xoogga saaray kheyraadka iyo arrimo keenay khilaaf siyaasi ah oo ay labada heer ee DF ku kala tageen, loona arkay daneysi iyo boob.

Dhanka sharaciyada, baarlamaanka 10-aad waxaa uu ansixiyey 26 sharci oo in badan oo ka mid ah ay soo bilaabeen baarlamaankii hore, waxaa uu madaxweynaha saxiixay oo kale 6 heshiis oo caalami ah halka la soo saaray wax ka yar 10 qaraar.

Sharciyada ka gudbay ee uu madaxweynaha ansixiyey waxaa ugu muhiimsanaa marka laga soo tago heshiistada caalamiga waxaa ka mid ahaa:  isgaarsiinta, naafada, musuqa, batroolka, doorashooyinka, dhakhliga, Ilaalinta hidda dhaqameedka & mdka dabiiciga, Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyada (PFM)  , Wax Ka Badelka Sharciga Furdooyinka, dib u eegista sharciga saxaafadda, Sharciga Istaatistikada Soomaaliyeed , Sharciga  Duulista Rayadka ee Hawada, H/Sharciyeedka Jaangaynta iyo Tayo dhawrka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo weli Farmaajo la yaalla: Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aaan muuqan, Hindise Sharciyeedka Leelitirka siyaasiyiinta Soomaalia, Hindise-sharciyeedka Hawlgabka & Xaqsiinta Ciidamada, Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka, Wax ka badalka Sharciga Xisbiyada Siyaasadda, Heshiiska  waxbarshada ee Soomaliya iyo Turkig iyo qaar kale.

Miisaaniyadaha: Dhanka miisaaniyadaha, baarlamaanka 10-aad waxaa ay meelmariyeen 9 miisaaniyadeed iyo hal xisaab xir sanadeed. Waxaa xusid mudan in labada aqal arrimaha ay isku khilaafeen ay ka mid aheyd ansixinta miisaaniyadda.

Guryaha Baarlamaanka 10-aad:

Dowladda Turkiga iyo hey’adaheeda ayaa taageeray labada aqal, Aqalka sare waxaa ay siiyeen dhisme cusub halka ay ballaariyeen dhismihii Villa Hargeisa oo haatan si KMG ah uu golaha shacabka ugu shaqeeyo inta ay ka dhisayaan aqalkii weynaa.

Matalaadda Shacabka:

Baarlamaanka 10-aad waxaa ku adkaatay matalaadda shacabka, oo inta badan marka laga reebo Puntland inta kale waxaa yar xildhibaannada dib ugu laaban karay sababo amni, iyada oo inta badan aan dhaafin caasimadda.

Baarlamaanka 9-aad(2012-2016):

Baarlamaanka oo ahaa midkii federaalka ahaa oo ugu horeeyey waxaa uu qabtay hawllo badan oo markaasi horyaallay sida: Xeer hoosaadka, Barnaamijka sharcidejinta, Tayo-kobcinta xafiiska guddoomiyaha, Sare u qaadista sugidda ammaanka, Dib u eegista dastuurka, Qaab-dhismeedka iyo shaqaale-u-yeelista xafiiska adeegga baarlamaani, Xiriir abuuris, wartabinta bulshada iyo wacyigelinta, Xafiiska deegaannada doorashooyinka, Kaabayaasha iyo dhismoyaal, Waaxda barista shuruucda, Adeegga wartabinta, isgaarsiinta iyo tecknolijiyadda casriga ah ICT iyo maareynta xogta.

 Baarlamaanka 9-aad iyo Arrimaha Sharci Dejinta:

  1. Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka.
  2. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka
  3. Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar.
  4. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaabxir sanadeed
  5. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 6 heshiis
  6. Golaha shacabka  waxaa uus sameeyay la-xisaabtan iyo su’aalo weydiin xukuumaddaiyo saraakiisha dowladda ah

Villa Hargeisa: Baarlamaanka 9-aad 2017-kii kahor waxaa uu Villa Hargeisa ku lahaa 2 hool shirar, labo ka mid ah waxaa ku shiri karaan 150 qof halka midka kale  30 qof ku shiri kareen, masjid, maqaayad, xafiiska guddoomiyaha, ku xigeenka koobaad, 2aad, xafiiska madaxa guddoonka, waaxda ICT, waaxda shuruucda, hab maamuusta iyo warbaahinta, habdhowrka baarlamaanka….iyo xafiisyo kale.

Shaqaalaha Baarlamaanka: Baarlamaanka 9-aad waxaa uu u yimid 53 shaqaale ah oo keliya, markii uu tagayey waxaa joogay ilaa 311 howlwadeen iyo 89 ka mid ah ay yihiin Haween.

Matalaadda shacabka: Xildhibaannada baarlamaankii 9-aad waxaa ay tageen ilaa 15 gobol kuwaas oo kala ah: Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada hoose.

Baarlamaankaas waxay sameeyeen ilaa 213 booqasho, waxaa sidoo kale jirtay ilaa 58 warbixin iyo Xildhibaanno koox koox ah oo markii ay soo noqdeen warbixin soo gudbiyay.

Madaxda Soo Booqatay baarlamaanka 9-aad:

  • Guddoomiyaha Baarlamaanka Djabuti: Mudane Idiris Arnaud Ali
  • Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mudane Axmed Davutoglu
  • Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta: Mudane Axmed Maxamed Al-Jarwaan
  • Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq: Mudane Iyaad callaawi

Isbar-badhigga labada aqal marka laga soo tago, guddoomiyihii la ceyriyey ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa uu ahaa khabiir wax ka qoray dastuurka lagu dhaqmo ee KMG ah, inta ka badan 50 sano ku jiray nidaamka dowliga ah oo madax soo ahaa, una soo joogay isbadallada halka Maxamed Mursal uu xildhibaan ka noqday baarlamaankii 8-aad iyo midka 10-aad, saddex wasaaradood, safiir iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo.

W/D: Abdiaziz Ahmed Gurbiye