James Swan oo balan-qaad la xiriira xiisada Beledweyne u sameeyey Cali Guudlaawe iyo General Mukhtaar

Beledweyne (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa saacadihii lasoo dhaafay xaaladda cakiran ee gobolka Hiiraan kala hadlay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneral Mukhtaar iyo madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Danjire James Swan ayaa mas’uuliyiintaas kula xariiray qadka Internet-ka, waxayna ka wadahadleen xal u helidda khilaafka hareeyey maamulka cusub HirShabeelle, gaar ahaan xiisadda ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kulamada uu James Swan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sida la sheegay aad loogu gorfeeyey tallaada ugu haboon ee lagu soo afjari karo xiisadda salka kuheysa diidmada madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Intii ay socdeen kulamadaas James Swan ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada uu leeyahay wadahadal dhex-mara dhammaan daneeyayaasha siyaasadda HirShabeelle, si loo helo dib u heshiisiin dhab ah.

Sidoo kale James Swan ayaa madaxweynaha iyo wasiirka u balan qaaday in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay inay taageerto dadaalladaas lagu xalinayo khilaafka ka jira HirShabeelle.

Tan iyo markii maamulka HirShabeelle loo doortay madaxweyne Cali Guudlaawe waxaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka socday dhaq-dhaqaaqyo lagu diidanyahay maamulkaas, iyadoo mararka qaar ay magaalada ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay.

Go’aanka ugu adag oo ay qaateen reer Beledweyne ayaa ahaa in Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uusan tegin magaaladaas, halka isaguna uu doonayo in lagu caleemo saaro.

Doorashadii Cali Guudlaawe ee HirShabeelle kadib, waxaa Hiiraan laga aas-aasay jahbad hubeysan oo saldhigeeda ugu weyn uu yahay deegaanka Ceel-Jaalle, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Abuukar Xuud oo aad u diidan madaxda cusub ee maamulkaas.