Madasha Xisbiyada oo soo saartay digniin ka dhan ah DF iyo shirkadaha shidaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa looga hadlay kheyraadka dalka, gaar ahaan heshiisyada la xariira arrimaha shidaalka Soomaaliya, xilligaan oo lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay madashu ka walaacsan tahay tartanka ruqsada 7-da xirmo ee ay dhowaan soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya.

Madasha ayaa shaacisay in lagu jiro xilli doorasho, islamarkaana ay suuragal tahay in dowladdu wax weliba oo gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada.

“Maadaama dowladdu ku jirto xilli doorasho ah waxaa halis ah  in wax walba oo dowladda gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada taagan.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa uga digtay dowladda dhexe iyo shirakadaha shidaalka in aysan ku deg-degin heshiis gadashada xirmooyin shidaal waqtigan kala guurk ah.