Sacuudiga oo go’aan rasmi ah kasoo saartay XAJKA

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhowaaqday inay tiro dad ah oo kooban sanadkan loo ogolaan doono Xajka oo billaabanaya dhammaadka bisha July, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Wasaraadda Xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in kaliya dadka degan gudah Sacuudiga, dhalashadii ay doonaan ha haystaan’e, loo ogolaan doono inay sanadkan xajiyaan. Ma jiri doonto cid sanadkan ka imaneysa dibedda.

“Go’aankan waxaa loo qaatay in la xaqiijiyo in Xajka loo guto si nabdoon ayada oo la eegayo caafimaadka dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xajka.

Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dadka ka qeyb gali doono xajka sanadkan. Sanadkii tegay waxaa Xajka gutay dad gaaraya 2.6 milyan oo qof.

Go’aankan ayaa yimid kadib toddobaadyo la isla dhex-marayey in Xajka sanadkan gebigiisba laga yaabo in la baajiyo, ama loo ogolaado tiro kooban oo matalaad un ah.

Xajka ayaa waxaa Sacuudiga kasoo gala dhaqaale badan ayada oo sanad kasta uu soo xareeyo lacag gaareysa 6 bilyan oo dollar.

Sacuudi Carabiya marna ma joojin Xajka muddo 90 sano ah, tan iyo markii dalkaas la aas-aasay.

Dalal dhowr ah ayaa goor hore sii sheegay inaysan cidna Xajka u diri doonin sanadkan, waxaana ka mid ah Malaysia iyo Indonesia oo marka la isku geeyo sanad kasta dira rubac milyan qof.