Wasiirka amniga Soomaaliya Ducaale oo kulan xasaasi ah la qaatay beeshiisa (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa habeen hore kulan muhiim ah la qaatay xubno kamid ah odayaasha iyo siyaasiinta beeshiisa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan oo gaar ahaa lagu qabtay hoteel uu wasiir Ducaale ku leeyahay Muqdisho, waxaana la sheegay in arrimo muhiim ah ay ka wada hadleen.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in wasiirka uu beeshiisa gaar ahaan Imaamka uu kala hadlay arrimo la xariira baajinta shir la filayo in ay Muqdisho ku yeeshaan Mudullood, arrimaha masiirka gobalka Banaadir iyo qodobo kale oo gaar u qoseeya beeshooda.

Xogo hoose oo la helay ayaa sheegaysa in mas’uuliyiintaan aysan ku qanacsaneen arrimo ka socda gobalka Banaadir islamarkaana ay doonayaan in beel ahaan uga dhaadhicayaan odayaashooda.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeeno ka hor Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaatay Imaamka Mudulood, islamarkaana uu kala hadlay baajinta shirka Mudulood oo qorshuhu ahaa in la qabto 13-kii bishaan balse dib u dhacay waxaana magaalada ka socda qaban qaabada shirkaas.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa aad u diidan shirka Mudulood, waxaana muuqanaysa in ay xoog saareyso dowladda Soomaaliya baajinta shirkaas.