Somaliland oo gebi ahaanba qaaday xayiraadihi Covid19

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa goordhoweyd soo saartay go’aamo ay dib ugu fasaxayso dhamaan xayiradihii ay guddiga ka hortaga iyo u diyaar garowga Covid-19 ay hore usoo saareen.

Somaliland ayaa si cad ugu dhawaaqday inay gebi ahaanba qaaday xayiradahaasi oo ay kamid ahaayeen Duulimaadyada oo muddo badan hakad ugu jiray sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, C/raxmaan Saylici oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay fasaxeen Waxbarashadii, Ciyaarihii dhalinyarada iyo weliba huteeladii lagu caweyn jiray.

C/raxmaan Saylici ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba la fasaxay duulimaadyadii, iyada oo sidii hore u shaqeyn doono madaarka Hargeysa ee Cigaal International.

Saylici ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in qofkasta oo kasoo dagaya madaarka Hargeysa looga baahan yahay inuu sito waraaq cadeynaysa inuusan qabin cudurka safmarka ah, midaasi oo uu ku sheegay taxadarka looga dhowrsanaanayo in qof qaba cudurkaasi uu gudaha u soo galo deeganadeeda.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa bulshada kula dar-daarmay in la muujiyo taxadar dheeraad ah, maadama ay noloshii sidii hore ku soo celisay xukuumada Muuse Biixi.

Xayiraadahan ay xukuumada Somaliland qaaday ayaa si toos ah u dhaqan gali doona 30-ka bishan, sida uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland.

Somaliland ayaa horaantii bishan sii kordhisay xayiraadaha kala duwanaa ee ay ka mid aheyd duulimaadyadu, midaasi oo ku eekeyd 30-ka bishan, iyada oo maanta sheegtay inay qaaday xayiradahaasi.