Gudoomiye Mursal oo kulan gaar ah la qaatay guddiga doorashooyinka + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiyada diyaarinta xeerka dhameystirka doorashooyinka iyo GDMQ, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulankan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021, iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsa guddiyada joogtada ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal iyo xubnaha kale shirka ka qeyb-galay ayaa si gaar ah uga wada arrinsaday go’aankii ka soo baxay shirkii ay shalay yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in baarlamaanka uu joojiyo howlaha doorashada inta laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online wax go’aan ah laguma gaarin shirkan, balse waxaa lagu ballamay kulama kale, si loo falanqeeyo go’aanka wadajirka ah ee ka soo baxay madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ka jira dalka.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu jiro maxalad kala guur ah, islamarkaana uu socdo diyaar garow ku aadan doorashada 2020/2021, inkastoo aysan weli cadeyn  nooca doorasho ee la qabanayo, maadaama uu waqtiga sio dhamaanayo.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaar ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya arrimaha doorashada, iyaga oo horey uga digay muddo kororsi hor leh.