QM oo muddo kordhin cusub u sameysay xafiiska UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markale muddo kordhin hor leh u sameeyey xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, kaas oo xilligaan dhinacyo kala duwan ka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay golaha ayaa waxaa lagu sheegay in UNSOM ay howsha ay sii wadi doonto illaa inta laga gaarayo 31-ka bisha August.

Sidoo kale waxaa UNSOM loogu baaqay inay xoojiso howlaheeda Soomaaliya, iyada oo ka fulineyo Muqdisho iyo dhammaan magaallo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen waxaa lagu sheegay inay ka go’an tahay QM in door weyn ka qaadato doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021-ka.

UNSOM ayaa Soomaaliya ka howl bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka taageertaa nabadda, dib u heshiisiinta, dib u eegista Dastuurka iyo qaban-qaabada doorasho iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee muddo kordinta cusub ee loo sameeyey xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana la qorsheynayo in dhammaadka sanadkaan la’aado doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka oo dusha ay kala socon doonaan Qaramada Midoobay, xubnaha beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Somalia.