Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Rooble iyo madax goboleedyada badankood oo ku sugan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada, oo u yimid si ay uga qeyb-galaan shirkii uu kal hore iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Madasha Wada-tashiga Qaranka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku biiray Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo hore usii joogay magaalada Muqdisho, waxaa keliya ka maqan madaxda dowlad goboleedyada Lafta-gareen oo asagna la filayo inuu soo gaaro caasimada dalka, inkasta oo uu horey u diiday shirka, balse aan maanta xog ku helnay inuu aqbalay.

Lafta-gareen ayaa warqad uu soo saaray 26-kii December ku yiri “Waxaan caddeynayaa inaan ka qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.”

Caasimada Online ayaa ogaatay in Lafta-gareen uu hadda beddelay mowqifkiisa kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka, oo ayadu taageero ballaaran u muujisay shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirka Rooble ee Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa dib u sixid loogu sameynaya doorashooyinka socda, kadib markii ay mucaaridka si weyn uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo, taasi oo horey uu uga digay madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, inkasta oo aan warkiisa loo joojin doonin.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo qorshuhu ahaa in uu furmo 27-kii bishaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii uu madaxweynihii hore Farmajo uu isku dayay in uu fashilayo, inkasta oo uu ku guul-dareystay.

Si kastaba, wuxuu kusoo aadaya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo inta badan ka qeyb-galayaan madaxda ku bahoobay, xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo khilaaf u dhaxeeya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii