Golaha Wasiirada DF oo war kasoo saaray afgambigii fashilmay ee FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo maanta uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag loogu cambaareeyay isku-daygii Afgambi ee 27-kii bishan lagu qaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiiradda.

Waxay si wada-jir ah u muujiyeen Wasiiraddu sida ay uga xun yihiin falkaas, oo sida la fahamsan yahay uu amarkeeda lahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka golaha oo ahaa midkii u horeeyay tan iyo markii uu madaxweynihii hore isku dayay inuu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee markale looga arrinsanayo doorashooyinka.

Golaha ayaa ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadda miisaaniyadda dowladda ee 2020-kii, ayada oo la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Qorshahaas ayaa faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, si ay qeyb uga noqdaan kor u qaadista amniga caasimada.

Sidoo kale waxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya arimaha abaaraha iyo cudurka COVID-19, oo markale kusoo labo kacleeyay dalka.

Ugu dambeyntiina waxaa looga mahad-celiyay taageerada xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hogaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee doorashooyinkia iyo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee uu kal hore ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii