Xog: Lafta-gareen oo ka qeyb-galaya shirka Rooble, kana shalaayey warqaddii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne goboleedka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka qeyb-galaya shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran inkasta oo uu horey u diiday, waxaa sidaas ogaatay Caasimada Online.

Lafta-gareen ayaa warqad uu soo saaray 26-kii December ku yiri “Waxaan caddeynayaa inaan ka qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.”

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in Lafta-gareen uu hadda beddelay mowqifkiisa kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa Lafta-gareen la hadashay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Phee ayaa xalay shaaca ka qaaday inay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku boorisay inuu taageero shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso inuusan aheyn go’aankiisa

Lafta-gareen wuxuu sameyn karay inuu xiisadda ka aamuso ama ugu yaraan xaaladda cabiro maalmo, hase yeeshee cadaadis kaga yimid Villa Somalia ayaa ku qasbay go’aan deg deg ah oo u muuqday inuusan joogteyn karin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii