XIJAAR oo saraakiisha iyo ciidanka siiyey amar la xiriira xiisada Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa si adag uga digay in Saraakiisha ciidamada ay ku milmaan siyaasadda dalka.

Xijaar ayaa sidoo kale ciidamada faray inaysan qeyb ka noqon karin arrimo siyaasadeed iyo wax ka baxsan shaqadooda, xilli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa in ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan ku milmin siyaasadda, oo ay shuqul ku laheyn meesha lagu hayo siyaasad ee loo igmaday inay shaqeeyaan amniga qaranka keliya,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

“Mas’uuliyadeena koowaad waxaa weey in aan ilaalino amniga, nafta, maalka shacabka Soomaaliyeed, in aan fulino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo waxay xaq u leeyihiin, sidoo kale inaan dhowrno odayga waayeelka ah, wiilka yar iyo midka bajaajta ku shaqeeysanaya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada booliska Soomaaliyeed ay hortaallo shaqo baaxad leh oo qeyb ka tahay amniga doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Waxaa mas’uul ka nahay doorashooyinka amnigeeda, waxaa mas’uul ka nahay musharaxiinta, ergada wax dooranaya, shaqaalaha iyo dadka loo igmaday inay doorashada daadihiyaan iyo qalabka meesha yaalla ee loo isticmaalayo doorashada.”

Waxa uu intaas kusii daray in lagama maarman tahay in amniga guud ee dalka laga wada-shaqeeyo, islamarkaana ay Saraakiisha iyo ciidamadu xooga saaran sidii si nabdoon looga gudbi lahaa xaalada taagan.

“Waxaa shacabka Soomaaliyeed la socodsiineyna in ciidamada ay diyaar u yihiin in dareenkooda ku shaqeeyaan oo gacan siiyaan, waqti kastana ay u soo jeedan oo sugayaan amnigooda.”

Hadalkan ayaa kusoo aadaya amar shalay kasoo baxay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, kaasi oo ahaa in ciidamada ka fogaadan arrimaha siyaasadda, si hufana u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Ciidamada ayaa la geliyay heegan buuxa, ayada oo aan laga ogolaan inay raacan guruub ama aragtiyo gaar ah, xilli ay dalka ka taagan xiisad siyaasadeed culus oo u dhaxeysa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii