Sawirro: Rooble oo xilalka u kala wareejiyey laba wasiir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalka u kala wareejiyey wasiirada gaashaandhigga iyo cadaaladda oo uu maalmo ka hor ku sameeyey isku shaandheyn, kadib wareegto uu soo saaray.

Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda gaadhaandhigga, halka Xuseen Xasan Xaaji la geeyey wasaaradda cadaaladda.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka u kala wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka cusub ee Caddaalada Mudane Xasan Xuseen Xaaji,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Tallaabadaan uu qaaday Rooble ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay aad isku hayaan madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo oo ay isku qabteen doorashooyinka

Dad badan ayaa sidoo kale u arka tallaabadan mid xeeladeed, ayada oo Cabduqaadir Maxamed Nuur uu ka mid yahay wasiirada aadka ugu dhow Rooble, lana safnaa dhowrkii dagaal ee uu la galay Farmaajo.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhigga ee loo dhiibay Cabdulqaadir ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay Villa Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda dalka ayaa weli ah mid cakiran, waxaase haatan Muqdisho ka socdo dadaaallo xoogan iyo kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xiisadda Villa Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-