24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee wada-hadalladii baaqday ee Jabuuti oo ‘u muuqda inaysan sii socon doonin’

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta markale ka hadlay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, xili ay gebi ahaanba baaqdeen kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadalladaasi oo ka furmayey dalka Jabuuti.

Waddani ayaa shaki galiyay inay sii soconayaan wada-hadallada labada dhinac, maadama ay Soomaaliya si cad u jabisay heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu kala saxiixday kulankii Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil, Maxamed Jirde oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay laftigeedu qarineyso wax badan, isagoona su’aal galiyay madax-banaanida hawada Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa xusay in talaabadii ay dhawaan qaaday dowladdu federaalku ee ay dib hawada uga celisay diyaarad kasoo duushay Kenya oo ku socotay madaarka Hargeysa, ay cadeyn u tahay ka bixida heshiiskii lagu kala saxiixday Jabuuti.

Diyaaradaasi ayaa siday qaad/jaad faro badan oo nooca loo yaqaano Miirooga, isla markaana u rarneyd ganacsato reer Somaliland, iyada oo dhawaanihii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid qaadkii Somaliland looga keeni jiray Itoobiya.

Maxamed Jirde ayaa xukuumada Biixi ka dalbaday inay si cad ugu warbixiyaan wada-hadallada labada dhinac, xili aysan si dhab ah u fulin heshiiskii hordhaca ahaa ee kasoo baxay wada-hadalladaasi.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, waxa gebi ahaanba baaqday kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa inuu dib u furmo Sabtidii todobaadkan.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda labada dhinac oo ku saabsan kulamada wada-hadallada ee baaqday iyo xiliga dib loogu balamay, maadama uu qorshuhu ahaa inuu dalka Jabuuti ka furmo 4-tii bishan.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60