Wararkii ugu dambeeyay ee wada-hadalladii baaqday ee Jabuuti oo ‘u muuqda inaysan sii socon doonin’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta markale ka hadlay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, xili ay gebi ahaanba baaqdeen kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadalladaasi oo ka furmayey dalka Jabuuti.

Waddani ayaa shaki galiyay inay sii soconayaan wada-hadallada labada dhinac, maadama ay Soomaaliya si cad u jabisay heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu kala saxiixday kulankii Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil, Maxamed Jirde oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay laftigeedu qarineyso wax badan, isagoona su’aal galiyay madax-banaanida hawada Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa xusay in talaabadii ay dhawaan qaaday dowladdu federaalku ee ay dib hawada uga celisay diyaarad kasoo duushay Kenya oo ku socotay madaarka Hargeysa, ay cadeyn u tahay ka bixida heshiiskii lagu kala saxiixday Jabuuti.

Diyaaradaasi ayaa siday qaad/jaad faro badan oo nooca loo yaqaano Miirooga, isla markaana u rarneyd ganacsato reer Somaliland, iyada oo dhawaanihii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid qaadkii Somaliland looga keeni jiray Itoobiya.

Maxamed Jirde ayaa xukuumada Biixi ka dalbaday inay si cad ugu warbixiyaan wada-hadallada labada dhinac, xili aysan si dhab ah u fulin heshiiskii hordhaca ahaa ee kasoo baxay wada-hadalladaasi.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, waxa gebi ahaanba baaqday kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa inuu dib u furmo Sabtidii todobaadkan.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda labada dhinac oo ku saabsan kulamada wada-hadallada ee baaqday iyo xiliga dib loogu balamay, maadama uu qorshuhu ahaa inuu dalka Jabuuti ka furmo 4-tii bishan.