Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dalka SUDAN

Khartoum (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta daacadda u ah milatariga Sudan ayaa is-hortaagay gargaar ku socday gobolka Darfur, tallaabadaas oo ay aad uga qayliyeen hay’adaha gargaarka iyo dawladda Mareykankuba.

Gobolka Darfur oo deris la ah dalka Chad, ayaa ka mid ah meelaha ay dhibaatada bini’aadanimo sida weyn ugu dhufatay tan iyo markii uu Sudan dagaalku ka qarxay, muddo toban bilood ka hor ah. Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada miltariga Sudan iyo maleeshiyada sida milatariga u tababaran ee RSF.

RSF ayaa ka soo jeeda maleeshiyadii Janjaweed, ee dhibaatooyinka ka geystay gobolka Darfur muddo haatan laga joogo labaatan sannadood.

Dagaalka ay kooxda RSF hadda kula jirto ciidamada Sudan ee SAF ee soo bilowday bishii April ee sanadkii hore ayaa waxay kula wareegeen afar ka mid ah shanta magaalo ee ugu waaweyn Darfur.

In ka badan 694 kun oo qof ayaa ka gudbay xuduudda iyagoo galay dalka Chad, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo IOM.

Hey’addu waxay sheegtay in dad badan ay weli ku go’doonsanyihiin gudaha Darfur, gargaar deg deg ahna ay u baahanyihiin. Qaramada Midoobay ayaa gargaarkeeda gobolka ku xaddiday sahay ay ka gelin jirtay xuduudda Chad, laakiin sida ay sheegtay WFP todobaadkii tagay ayey masuuliyiintu is-hor taageen in gargaarka laga gudbiyo xadka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Mareykanka oo la yiraahdo Matthew Miller ayaa Jimcihii sheegay in Mareykanku uu aad uga werwersanyahay go’aanka ay ciidamada Sudan uga hor istaagayaan gargaarka bulshooyinka ku nool meelaha ay RSF gacanta ku heyso.