Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ay ka taagan tahay gobolkaasi, iyada oo ay labada dhinac isku hayaan maamulka.
Dowladda Federaalka ayaa haatan ku gacan sarreysa Gedo, waxayna isku fidisay inta badan degmooyinka gobolkaas, marka laga reebo Doolow, waxaana ka howl-gala ciidanka xoogga dalka.
Afhayeenka gobolka oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay maamuleyso gobolka, isaga oo meesha ka saaray in wax Jubaland la yiraahdo ay ka jiraan Gedo.
“Garbahaarey iyo guud ahaan gobolka Gedo intaba wax ciidan Jubaland la yiraahdo oo ka amar qaato Axmed Madoobe ma joogaan cidda sheegtana waa cid been u bareertay. Gobolkan waxaa ku sugan ciidamada qalabka sida qaybahaooda kala duwan, sida Nab-sugidda, Booliska iyo Mialatariga, iyaga ayaana ammaanka gacanta ku haya,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa ka amar qaata Jubaland ay isku horfadhiyaan degmada Garbahaarey, arrintaas oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo warar lasoo dhoo dhoobay.
“Wax ciidan iska hor iska soo horjeedo iyo ciidan is horfadhiyo oo jiro habayaraatee ma jiraan,” ayuu mar kale yiri afhayeenka maamulka gobolka.
Waxaa kale oo uu farriin u diray reer Gedo, isaga oo ka digay in lasoo abaabulo falal liddi ku ah amniga, laguna qalqal-gelinayo gobolka.
“Ciddii qalqal iyo siyaasado is diidan abuureyso, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore Dowladda Soomaaliya ay xirtay odayaal dhaqameedyo ku sugnaa magaalada Garbahaarey, kuwaas oo taageeray maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, inkastoo markii dambe wada-hadal lagu sii daayay.
Xaaladda Gedo ayaa weli qasan, waxaana sii laba kacleysay, kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagageeyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu go’aamiyay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda guud ee Jubbaland.
Xaaladda Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.