Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah xaaladda ayaa ku sii adkaaneysa, waxayna u qeybsameen labo garab oo kala ah, qeyb dalka ka Tahriibeysa iyo qeyb ciidanka qoraneysa.
Hadii aan ku hormarno kuwa ciidamada qaranka qoranaya, maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal laga dhuubay dhalinyaro aad u badan oo feyl ugu jirta inay ciidanka xoogga dalka qortaan.
Boqolaal wiil oo 20 jirro ah ayaa feylal dhaadheer maalin kasta u gala xeryaha dowladda Soomaaliya ay ku qorato ciidamada, halkaas waxaan ogaanay in dhalinyarada iska xaadirisa ay u badan yihiin kuwo soo dhameystay waxbarashada, kadibna waayey shaqooyin kale.
Inta badan dhalinyaradaan waxay cadeeyeen inay shaqo ka soo waayeen shirkadaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, hey’adaha kale ee dowladana sidoo kale, taasi oo ku kaliftay inay ciidamada qaranka qortaan.
Dhalinyarada ciidamada qoraneysa waxay subax kasta feylo u galaan xeryo aysan uga horeyn qof ay garanayaan, wax macluumaad ahna aysan ka oolin, marar badan waxaa dhacday in kooxda Al-Shabaab ay ku qarxisay banaanka hore ee xeryaha laga qorto ciidanka, iyagoo feyl ku jira.
Waa kuwa ugu nasiibka badan dhalinyarada qaadatay go’aanka ay ku qoranayaan ciidamada qaranka oo dalkooda ayey u shaqeynayaan, balse dhinaca kale dhalinyaro asaagood ah ayaa maalin kasta ka tahriibeysa dalkooda Soomaaliya.
Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey Soomaaliya waxay kamid noqotay wadamada ugu tahriibka badan, qulqulka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibeysa ayaa is heysta Yurub, Afrika, badaha waaweyn ee halista badan iyo qaarado kale.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa lasoo duubay muuqaalo quus ah, dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkooda ka tahriibay, qaarkood waxay ku dhinteen saxaraha, qaarba ku dhintay badaha, halka kuwo kalena ay galeen xabsiyo iyo gacmaha kooxo magefayaal ah.
2025 oo la aaminsanaa in laga soo kabtay xaaladihii adkaa ee Soomaaliya ay soo martay waxaa ka sii dareysa rajo xumada ay qabto dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah, intaas waxaa dheer, in dhalinyarada qaar ay ka barbar dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda dowladda.
Afar sano oo kasta waxaa lasoo dhisaa dowlad cusub, waxaana dhexda looga jiraa musuq, khilaaf, adeeg xumo, boob, eex iyo xaalado liita oo ka soo bilowda doorashooyinka boobka ah, taasina waxay keentay isla xisaabtan la’aan iyo fashil dowladnimo oo dalkaan uu dhexda uga jiro, taasi oo rajo beel dhigtay dhalinyarada.