Wararkii ugu dambeeyay ee xabad-joojinta GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Waxaa shalay iyo xalay sii xoogeystay dadaallada caalamiga ah ee loogu jiro sidi loo heli lahaa xabad-joojin kale oo ka hirgasha Marinka Gaza, xilli ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha iyo dagaalka culus ee ay ka waddaan Gaza.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, in Xamaas ay dib u eegis ku sameyneyso qorshe loo soo bandhigay oo Gaza looga hirgelinayo xabbad-joojin lix todobaad ah. Soo jeedintaasi ayaa ka soo baxday wadahadallo maalmahan ka socday magaalada Paris oo xal loogu raadinayo qaboojinta dagaalka Isra’il iyo Xamaas.

Dhanka kale, waxaa kasii dareysa xaaladda bani’aadannimo eek a jirta Marinka Gaza, gaar ahaan dadka rayidka ah oo ay hey’adaha gargaarka maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ay ka digeen in ay dadku qarka u saaranyihiin in ay macluul u baab’aan.

Agaasimaha xaaladahaha dag dagga ee Laanta Caafimaadka Adduunka Michael Ryan, ayaa sheegay in muddada ay wadahadallada ka socdaan magaalada Paris, ay dadka Gaza gaajo u dhimanayaan sababo la xiriira go’doonka ay Isra’il gelisay gargaarka bani’aadannimo ee gali jiray Gaza.

Wadahadaladda ka socda Paris ayaa waxaa hor-boodaya Qatar, Masar, Mareykanka iyo Faransiiska. Xabad-joojintan ayay Isra’il ku dalbatay in lagu sii daayo dhammaan laheystayaasha soo haray ee gacanta ugu jira Xamaas.

Halka Xamaas ay dhankeeda dalbaneyso, in loo soo daayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, sidoo kalana xabad-joojinta laga dhigo mid toos ah, Isra’ilna ay kala baxdo ciidankeeda guud ahaan Marinka Gaza.

AFP