FAAHFAAHIN ku saabsan qarax ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax loo adeegsaday oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo uu geystay khasaare u badan dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ahaa bam-gacmeed lagu qaaday gaari ciidan oo uu la socday dambi baaraha saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland, Cabdi Mahad Xuseen Afrax (Gaandi Boonbale), kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhaawacmay laba qof oo kale, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ee ku sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Saddexda qof ee ku dhaawacantay weerarkan, isla-markaana uu ku jiro Gaandi Boonbale ayaa haatan lagu dabiibayaan isbitaalka Dhagacadde ee ku yaalla magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda weerarka fulisay ay goobta isaga baxsaday, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha amniga ee Puntland.

Saraakiisha ciidamada ammaanka iyo weli maamulka degmada weli kama hadlin qaraxaas iyo sidoo kale howlgallada xigay intaba.

Dhanka kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaase badanaa Gaalkacyo weerarada ceykan oo kale ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay kordheen howlgallada ka socda koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo lagu sugayay amniga, hadane sidaas oo ay tahay waxaa weeraro qorsheysan magaaladaas ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Puntland ayaa horay u qaaday tallaaboyin ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna gacanta ku dhigtay, kadibna ay toogatay xubno ka kala tirsanaa labadaas koox.