Weerar lagu beegsaday mas’uuliyiin oo ka dhacay degmada WANLAWEYN

Wanlaweyn (Caasimada Online) –  Wararar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kahsaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Wanlaweyn iyo guddoomiye ku xigeenka Maaliyada ee dagmadaas oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta ka dhaqaaqay.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in mar qura ay rasaas ooda uga qaadeen labada mas’uul, xilli ay dhex socdeen bartamaha degmada Walnaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxaa intaasi kadib dagaal kooban uu dhex-maray ragga weerarka geystay iyo sidoo kale ilaalada la socotay guddoomiyaha Wanlaweyn iyo ku xigeenkiisa maaliyadda.

Inta la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Marxuumka geeriyooday oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Ibraahim (Abow), wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada caanka ka ah deegaanka.

Ma cadda waxa ay yihiin maleeshiyaadka weerarka geystay iyo sababta ay u beegsadeen mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka baxay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi

Wanlaweyn ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta khilaafaad dhanka maamulka ah, waxaana haatan taagan xiisad u dhexeyso guddoomiyaha maamulka degmadaasi iyo ku xigeenkiisa arrimaha bulshada, kaas oo ilaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah.