Xasan Sheekh oo ku wajahan GALMUDUG iyo qorshaha safarka oo la shaaciyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shaaciyey in Galmudug ay dhawaan marti geli doono shirka golaha wadatashiga qaranka oo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu tagaan.

“Bisha shanaad dhamaadkeeda waxaan marti geli doonaa shirka golaha wadatashiga qaranka oo dabajooga kii Baydhaba lagu qabtay, marka Madaxdu waxay uga hadli doonaan doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta, sida ay isku afgarteen,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Cali Ciid ayaa sheegay in bil kadib uu shirkaas oo ah kii 6-aad ee golaha wadatashiga qaranka uu Dhuusamareeb ka dhici doona, iyadoo wax kasta ay is bedeleen, sida uu rajeynayo.

“Waxaan rajeynayaa wadanka oo xor ah in kulankaasi uu ka dhaco Dhuusamareeb, iyadoo Shabaab laga guuleystay, in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulankaas ka soo qeyb-galo, isagoo Dhuusamareeb ku yimid safar dhulka ah oo soo maray wadada oo Shabaab laga xoreeyey, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Cali Ciid.

Hadii kooxda Al-Shabaab laga saaro deegaano faro ku tiris ah oo hadda ay gobollada dhexe ka joogaan, waa suurtagal in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar dhulka ah ku tago Galmudug, hadii ay dhacdana waxay u noqa doontaa guul-weyn.

Bilo ka hor waxaa dadka Soomaaliyeed la yaab ku noqotay in ciidan ka socda dowladda Soomaaliya oo laga diray Muqdisho oo safar dhulka ah ku tageen Galmudug, iyagoo sii maray bariga gobolka Hiiraan oo dagaalo culus ay ka socdeen.

Ciidankaas ayaa safarkaas dhulka ah ku tegay Gaalkacyo, si lamid ah Jeneraal Biixi Taliyaha ciidanka dhulka ayaa todobaadyo ka hor dhulka isaga safray Xarardheere ilaa Muqdisho.

Hadda, inta badan Galmudug iyo HirShabeelle waxaa ka socda abaabul dagaal oo lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku dambeeyaan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu amray inta aysan dhamaan bishaan Ramadaan in la xoreeyo Ceelbuur oo ah halka degmo ee gobollada dhexe ay Al-Shabaab uga hareen iyo deegaanada kale.

Hoos ka daawo