Ciidamada DF oo toogasho ku dilay 14 ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay…

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Makuude oo qiyaastii todobo KM dhanka koonfurta ka xiga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen illaa 14 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo isku dayay inay weeraraan fariisimaha ciidamada ee deegaanka Makuude, isla-markaana ay ka hortageen qorshaha weerarkaas.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa soo bandhigay maydadka xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay halkaasi, halka dhaawacyo kale ay la careen ragga weerarka soo qaaday.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa iyadana guul ka sheegatay weerarkan, waxayna shaacisay inay ku beegsatay xarumo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in khasaare lixaadleh ay gaarsiisay ciidamaduu ku sugnaa goobaha la weeraray, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka deegaanka Makuude ee gobolka Baay.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.