27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Wararkii ugu dambeeyay shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka uga furmaya Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaargarowga shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, oo ay qeyb ka yihiin maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu maalinta Axadda ka furmo gudaha xerada Xalane, iyadoo guddiyada farsamo ee labada dhinac ay heshiis ka gaareen ajendaha shirka iyo qodobada ugu muhiimsan ee wada-hadallada furmaya.

Wufuud hordhac ah u ah madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kusoo wajahan Muqdisho, iyadoo la diyaariyay goobaha ay degi doonaan mas’uuliyiintaasi, sida ay xaqiijinayaan wararka la helayo.

Ilo ku dhow-dhow Dowladda Federaalka, Mucaaradka iyo hoggaanka Dowlad-Goboleedyada ayaa sheegaya in saacadaha soo aaddan ay Muqdisho iman doonaan xubnaha weli ka maqan caasimadda ee ka qeyb qaadanaya shirkan.

Sidoo kale, wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda si dhow ula socda shirkan oo muhiim u ah marxaladda haatan ka taagan dalka, maadaama ay hore u muujiyeen taageerada gogosha wada-hadal ee ay soo jeedisay dowladda iyo aqbalaadda ay ka bixiyeen dhinacyada Mucaaradka.

Ajendaha shirka Axadda ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamada guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, guddiyada ayaa isfaham ka gaaray hannaanka iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha la filayo, iyagoo isku raacay in wada-hadallada heerka sare ah lagu qabto hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane.

Arrintan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland ay ka gaabsadeen inay tagaan Villa Somalia, iyagoo Xalane u arka goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca amniga, dhinacyadu waxay xalliyeen cabashadii la xiriirtay ilaalinta madaxda. Waxaa la isku raacay in sugidda amniga madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay gaar u tahay ilaaladooda gaarka ah, balse ay wadashaqeyn iyo is-xogwaraysi joogto ah la yeelan doonaan saraakiisha Ciidamada Federaalka, si looga fogaado isku-dhac ama jahwareer amni.

Si kastaba, Muqdisho ayaa galeysa mashquul siyaasadeed bilowga Febraayo, iyadoo markii ugu horreysay muddo dheer wada-hadal fool ka fool ah ay isugu imaanayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafyo siyaasadeed ka dhex taagnaayeen.

- Advertisement -

Read more

Local News