Wararkii ugu dambeeyay shirka doorashooyinka ee ka furmaya magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa uga warbixiyay shirka uu dhawaan iclaamiyey ee 27-ka December ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo ay iskugu imanayaan madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Golaha in uu madaxda dowlad goboleedyada uu gaarsiiyey kharashaadkii safarkooda iyo in diyaaradihii soo qaadi lahaa la diyaariyey, si waqtiga uu iclaamiyey u furmo shirka.

Shirka Golaha Wada-tashiga ayaa looga wada-hadlaya arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo ay qaadaceen mucaaridka, kadib markii ay sheegen in doorashadaas laga leexiyay hanaankii daah-furnaanta ahaa ee lagu heshiiyey.

Shirka 27-ka December oo muhiim u ah xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa dib u sixid loogu sameynayaa qaladaadka ka jira doorashada Golaha Shacabka, oo la sheegay in kuraasta qaarkood loo boobay shaqsiyaad gaar ah.

Sidoo kale shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay wada-shaqeynta hay’addaha dowladda iyo gurmadka abaaraha.

Waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga dalka, xilli uu dalka ku jiro xaalada kala guur ah iyo doorashooyin ay hareeyen mad-madow badan oo dalka qarka u saaray xaalad hubanti la’aan ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii