Xaalad cusub oo kusoo korortay dagaalka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa maamulka Puntland, ayaa sheegaya in la furay qaar kamid aaga-gii lagu dagaalay.

Ciidamadii isku horfadhiyay magaalada Boosaaso ayaa la kala qaaday, waxaana la furay qaar kamid ah aaga-gii maalmihii u dambeeyay lagu dagaalamayay, ayada oo meelaha qaar ee magaalada uu dib u furmay isku socodkii.

Dadweynaha qaarkood ayaa la arkayey ayaga oo tagaya xarunta PSF iyo goobihii lagu dagaalamayay oo isku socodkooda dib loo furay, waxayna u muuqata inay dib ka dhaqan gashay xabad-joojintii shalay lagu baaqay.

Wararka ayaa intaas kusii daray in Ciidamada labada dhinac ee ku dagaalsan Boosaaso uu mid walba dhankiisa uu baaritaan ku sameynayo gaadiidka dadweynahay, kadib markii ay dib u fureen isku socodka qeybo kamid ah magaalada.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay bulshada reer Boosaaso uu waagu ugu beryey sawaxanka rasaas dhaceysa iyo hubka culus, kadib markii xalay saqdii dhexe uu bilowday dagaal aad u culus oo u dhexeeyay ciidamadda Puntland iyo kuwa PSF ee daacadda u ah Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dagaalkaas ayaa wuxuu si iskiis ah u istaagay 7-dii subaxnimo ee saaka. Xaalada ayaa illaa hadda degan.

Labada dhinac ee isku haya gudaha magaalada Boosaaso oo dhowr jeer eedeymo isku jeediyay, ayaa hadda u muuqda inay si isku mid ah u qaateen baaqii xabad-joojinta, kadib maalmo dagaal xoogan oo khasaaro badan geystay uu ku dhex-maray magaaladaas.

Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku baaqay in xabbada la joojiyo, waxaana jiray Isimo iyo waxgard kale oo dhexda u xirtay inay joojiyaan dagaal danbe oo ka dhaca magaaladda, waxaana mar kale Puntland sheegtay in ay wadahadallada nabaddu sii socdaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii