Faroole oo shaaciyey cidda sii hurisay dagaalka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si adag uga hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso, taasi oo u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ay qeyb ka yihiin colaadda Boosaaso, islamarkaana ay sii huriyeen, kadib qoraalkii ay kasoo saareen dagaalka.

“Isimadii qoraalka soo saaray iyagaa wax sii fogeeyay, ma aysan qaadan doorkii ay lahaayeen. Waxaad moodaa inay isku ku qasan yihiin doorka ay leeyihiin Isimada iyo doorka dowladda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale waxa uu ku dhaliilay qaabka ay Isimada u wajaheen xiisadda dagaal ee ka dhex aloosan Saraakiisha ciidamada PSF iyo maamulka Puntland oo uu hogaamiyo Saciid Deni.

Faroole ayaa si adag uga soo horjeedeystay in Isimada ay door ku yeeshaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka, maadama uu ku dooday in doorkooda uu yahay keliya inay sulux wax ku xaliyaan.

Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ayaa bayaan ay kasoo saartay xiisadda dagaal ee ka taagan magaaladaasi, ku baaqay in xabadda la joojiyo si shuruud la’aan ah, islamarkaana loo turo shacabka.

Inkasta oo uu Faroole si cad u sheegen waxa ay xiisadda dagaal ku huriyeen Isimada, haddana waxa uu si weyn u dhaliilay qaabka ay ku wajaheen xiisadaas, oo ayadu ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay agaasimihii hay’adda PSF.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay baaq nabadeed soo jeediyeen siyaasiyiin uu qeyb ka yahay Faroole iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Puntland, sida Cabdwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxay si wada-jir ah u sheegen inay sharci tahay wareegtadii uu madaxweyne Deni xilka uga qaaday agaasimaha PSF, maadama uu xika yahay meerto, sunaha maamulkana ku dhisan yahay.

Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa ayaa waxay usoo jeediyeen in xal ka gedisan xabadda uu ku raadiyo dhaqan-gelinta wareegtadiisa, islamarkaana hab nabadeed loo wajahayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda dagaal ee ka taagan Boosaaso.

Baaqyadan ayaa ku soo aadaya, ayada oo Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso magaalada Boosaaso, si loo joojiyo dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi.

Wasiirka amniga ayaa xusay in Puntland ay haatan diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho PSF, si degenaan loogu dhammeeyo xiisadda haatan taagan, hase yeeshe waxaa saaka dhawaaqa hubka culus laga maqlayay gudaha magaalada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii